DHAGEYSO:Xilliga la dooranayo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo la shaaciyay

0
484

Maanta ayaa la filayaa in la xareeyo Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matalaya Gobollada Waqooyi si loo siiyo tababar la xiriira doorashooyinka, kaas oo socon doona muddo hal Maalin ah.
Ergada Maanta la xareeynayo ayaa la sheegay in horay loo soo marsiiyay dhammaan shuruudaha ku qoran habraaca ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed, waxaana Ergada la bari doonaa sida loo codeynayo loona akhrin doonaa habraaca la soo saaray.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland Cabdishakuur Abiib Xayir ayaa sheegay in Maanta marka uu dhamaado tababarka Ergada, doorashada labada kursi ee ugu horaysa ay dhici doonta Maalinta berri ah, kuwaasoo ay ku tartami doonaan Xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.
Waxaa uu intaasi ku daray in inta badan kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi ay yihiin Ergo wadaag, islamarkaana Saddexda kursi ay hal Ergo dooran doonaan.
Doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee ugu horreeya ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa kuwa matala Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland, waxaana xigi doona Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga sida uu qorshuhu yahay, kuwaasoo dhamaantood doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah mudanayaasha hadda mudo xiliidkoodu dhamaaday sidoo kalena ku fadhiya mid ka mid ah kuraasta berri la dooran doono ayaa eedaymo u jeediyay ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo habka ay doorashada gobollada waqooyi u socoto.