Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa inay ciidamo dheeraad ah geyso ismaamulka Laikipia si ay u taageeraan laamaha amniga halkaasi jooga si sare loogu qaado howlgallada amni ee dowlad deegaankaasi ka socdo.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in dowladda aysan ka caga jiidii doonin waajibaadka saaran ee ah in ay ilaaliso saraakiisheeda.
Hadalka Kibicho ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhowr saraakiil oo laamaha ammaanka ka tirsan lagu dilay degmada Ol Moran oo ah goobta ay burcadda rabshadda ka geysaneyso.
Waxaa uu sheegay in dowladda aysan cidna ka cabsan doonin, isagoo intaa ku daray inay ka go’an tahay in la xaqiijiyo badqabka shacabka dowlad deegaanka Laikipia sida muwaadiniinta kale ee kenyaanka ah.
Dr. Kibicho ayaa xusay in ay diyaar u yihiin sidii ay u hubin lahaayeen in burcadda halkaasi laga ciribtiro.
Waxaa uu intaa ku daray in xoolo badan laga saaray goobihii lagu hayay.
Waxaa uu sheegay in shacabka ku dhaqan ismaamulka Laikipia ay heli doonaan amni si ay u sii wataan noloshooda caadiga ah.