Waxaa lagu soo warramayaa in bas ay saarnaayeen ugu yaraan boqol dhallinyaro ah lagu qabtay buundada Tana River.
Dhallinyarada ayaa la sheegay in laga soo waday ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta si codadkooda loo iibsado ee doorashada guud ee sanadka dambe.
Waxaa la sheegay in dhallinyarada la doonayay in ay isku diiwaangeliyaan codbixiyayaasha deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Kooxdii waday dhallinyarada ayaa lagu eedeeyay ka ganacsiga codbixiyayaasha.
Dhallinyarada ayaa haatan lagu hayaa saldhigga booliska ee Garsen ee ismaamulka Tana River.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Galole ee dowlad deegaanka Tana River Saciid Hiribae oo arrinkan ay kusoo wargeliyeen odayaasha deegaanka ayaa gaashaanka u daruuray, isagoo eedeyn u jeediyay dhiggiisa deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Waxaa uu xusay in codbixiyayaasha la doonayay in jeebka wax lagu shuubo si shakhsiyaad gaar ah ugu codeeyaan.
Xildhibaanka deegaanka Galole ayaa dhanka kale sheegay in sharciga uusan waafaqsaneyn in dadka codkooda dhiibanaya la geeyo goobaha aysan deganeyn ama aysan asal ahaan kasoo jeedin.
Home Wararka Kenya Xildhibaanka deegaanka Galole oo ku eedeeyay dhiggiisa Ijara inay ka codbixiyayaasha iibsaneyso