Dhallinyarada oo lagu boorriyay in ay joojiyaan in loo isticmaalo arrin siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn

0
636

Dhallinyarada dalka ayaa loogu baaqay inay degganaan muujiyaan oo ay noqdaan kuwo dhiirrigeliya nabadda iyo midnimada, maadaama uu wadanka u diyaar garoobayo qabsoomidda doorasho guud.
Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa xusay in, in badan oo qalalaase ah, barakac ama burbur hantiyeed la arko xilliyada ololaha doorashada, islamarkaana ay arrinkaasi kaalin wayn ka qaataan siyaasiyiin dano gaar wato oo doonaya inay danahooda ku fushadaan dhallinyarada.
Waxaa uu dhallinyarada ka codsaday inay ka fogaadaan madaxda sida xun ugu adeegsanaya danahooda siyaasadeed ee gaarka ah.
Mr. Oguna ayaa kula taliyay dhallinyarada inaysan aqbalin in jeebka wax loo geliyo, isagoo intaa ku daray in arrinkan ay sameeyaan siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigay aan damiir lahayn oo doonaya in dalka ay rabshado ama qalalaase ka abuuraan.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa sheegay in dhacdadii dhawaan laga soo tabiyay ismaamulka Busia ee oo ay koox dhallinyaro ah dhagaxaan ku weerareen kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, ay ahayd fal laga xumaado oo ay tahay in si adag loo cambaareeyo.
Waxaa uu sheegay in dalka uu dhamman dadweynaha ka wada dhexeeyo islamarkaana musharrax walbo uu xor u yahay inuu tago deegaanada kala duwan ee wadanka oo uu dadweynaha qanciyo isagoo ilaalinaya xeerarka dastuuriga ah.