Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar guddiga adeegga dadweynaha ee PSC looga hor istaagayo inuu tixgeliyo labo dacwadood oo loo gudbiyay kuwaasoo lagu dalbanaya inuu xafiiska baneeyo agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji.
Waxaa amarkan ku dhawaaqay garsoore James Makau oo ka falcelinayay dacwad ay gudbiyeen qoyska Tob Cohen iyo ganacsade lagu magacaabo Francis Njeru.
Go’aanka maxkamadda ayaa ah mid ku meel gaar ah waxaa uuna sidoo kale guddiga PSC ka mamnuucayaa inuu qaado tallaabooyin dheeraad oo ka dhan ah Nuurdiin Xaaji ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga dacwad uu arrimahan kaga soo horjeedo agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.
Nuurdiin Xaaji ayaa dhankiisa sheegay in dacwadaha laga gudbiyay ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu cadaadiyo inuu dacwad ku soo oogo garsoore Kantai oo lala xiriiriyay dilkii Tob Cohen in kastoo uunan arrinkaasi u helin caddeymo wax ku ool ah.