Uruka KNUN iyo golaha CoG oo lagu eedeeyay inay siyaasadeeyeen daryeelka shaqaalaha caafimaadka

0
613

Xubnaha ururka qaran ee kalkaaliyaasha dalka ee NNAK ayaa hadda waxay ku eedeynayaan xoghayaha guud ee ururka kale ay ku midoobeen kalkaaliyaasha ee KNUN Seth Panyako iyo golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) inay siyaasadeeyeen daryeelka shaqaalaha caafimaadka ee dalka.
Kalkaaliyaasha ayaa shaqo joojin ku guda jirtay muddo laba bilood ah.
Madaxweynaha ururka NNAK Alfred Obengo ayaa ugu baaqay hoggaanka ururka kalkaaliyaasha ee KNUN iyo golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) inay wax ka qabtaan khilaafaadka kalkaaliyaasha sida sharciga qabo.
Ururku NNAK ayaa codsanaya in golaha CoG iyo KNUN ay khilaafaadkooda meel iska dhigaan oo ay wax ka qabtaan arrimaha ay soo bandhigayaan dhakhaatiirta caafimaadka ee safka hore kaga jira la tacaalidda cudurka Covid-19.
Mr Alfred Obengo ayaa ka digay in siyaasadeynta waaxda daryeelka caafimaad aysan saameyn ku yeelan doonin oo keliya dhakhaatiirta balse ay gebi ahaanba curyaamin karto waaxyaha muhiimka ah ee dalka.
Waxaa u ku eedeeyay midowga uu hoggaamiyo Seth Panyako ee KNUN inuu ka weeciyay arrimaha dhabta ah ee khuseeya kalkaaliyayaasha.
Waxaa uu dhanka kale ku eedeeyay guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC in uunan si cadaalad ah uga hadlin arrimaha ay tabanayaan shaqaalaha caafimaadka.
Kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee ka shaqeeya isbitaallada dowladda ee ismaamullada dalka ayaa shaqa joojin ku guda jiray mudo labo bilood ah iyagoona dalbanaya in la siiyo caymis caafimaad oo dhameystiran, lacagaha guunnooyinka ee la xiriirta halista dhanka shaqada iyo agabka la iskaga difaaco cudurka COVID-19 oo tayo leh.