Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu soo warramayaa inuu qorsheynaya in lacag dhan 450,000 oo doolar la siiyo cid kasta oo ka mid ah qoysas isku waayay dhanka xadka Koonfureed ee wadankaasi.
Dadkan ayaa ah qoysas soo galooti ah oo ay wararku sheegayaan in hadda aysan hal meel wada joogin.
Wargeyska The Wall Street ayaa ku warramaya in fulinta barnaamijkan ay iska kaashanayaan waaxyaha arrimaha gudaha , caddaaladda , caafimaadka iyo adeegyada aadanaha ee Maraykanka.
Xukuumadda Washington ayaa dadaal badan ku bixisay in la yareeyo tirada soo galootiga ee uga soo gudbo dhanka Mexico