Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa la filayaa inay maanta dowladda Maraykanka kala soo wareegto 990,990 oo ah daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer .
Waxaa tallaalkan gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku guddoomi doonto xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi .
Tani ayaa qayb ka ah tallaal dhan 4.8 milyan oo uu Maraykanka ugu deeqay wadamada Kenya, Chad, Masar iyo Gabon.
Daawooyinkan ayaa kaalin wayn ka qaadan doono xoojinta dadaalka ay dowladda dhexe ugu jirto in dhammaadka sanadkan caabuqa corona laga tallaalo ugu yaraan 10 milyan oo qof.
Sidoo kale xukuumadda Washington ayaa shaacisay inay Midowga Afrika u oggolaan doonto inuu soo iibsado 33 milyan oo kuuro oo ah nooca Moderna ee horay loogu tala galay Maraykanka.