3 sarkaal oo lagu dilay Laikipia

0
345

Weerar ay koox dabley ah ka gaysatay ismaamulka Laikipia ayaa waxaa ku dhintay saddex askari halka labo kalena ay dhaawacmeen.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliska ee gobolka Rift Valley Fred Ochieng’.
Waxaa uu intaa ku daray in weerarku uu ahaa mid gaadmo ah halka sidoo kale la dhaawacay 4 sarkaal oo qayb ka ahaa gurmad loo fidinayay ciidamada jidka loo galay.
Saraakiisha dhaawacmay ayaa loo soo qaaday ismaamulka Nairobi si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah.
Ismaamulka Laikipia ayaa waxaa horay uga dhacay falal amni darro oo lagu dilay 15 qof halka in ka badan 400 oo qoys ay guriyahooda ka barakaceen.