Martha Karua oo shacabka ku boorrisay inay ku biiraan xisbiyada siyaasadeed

0
445

Hoggaamiyaha xisbiga NARC-Kenya horayna u soo noqotay wasiiraddii wasaaradda caddaaladda Martha Karua ayaa kenyaanka kula talisay inay ku biiraan xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ka jiro.
Waxay sheegtay in tani ay suurtagelinayso in qorshayaasha horumarineed ee xisbiyadu ay noqdaan kuwo ku saleysan rabitaanka bulshada.
Qoraallo ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayay Karua ku sheegtay in la joogo xilligii dadweynaha ay wakhti ku bixin lahayeen waxyaabaha muhiimka u ah noloshooda mustaqbalka.
Martha Karua oo ka mid ah garyaqaanada sare ee dalka ayaa xustay in madaxda iyo shacabka laga doonayo inay ka go’an tahay horumarinta wadanka iyadoo dadaallada arrinkan ku aaddan laga soo billaabaya deegaanada hoose ee ismaamullada.