Jaamacadda Moi ee Eldoret oo la xiray

0
583

Waxaa albaabada la isugu dhuftay xarunta ugu wayn jaamacadda Moi ee magaalada Eldoret , ismaamulka Uasin Gishu.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii barayaasha iyo shaqaalaha kale ee xaruntaasi ay sameyeen shaqo joojin.
Waxay ka cabanayaan maamul xumo iyo in aan mushaaraad la siin.
Lama shaacin wakhtiga dib loo furi doono jaamacadda Moi ee Eldoret.