Madaxweynaha Maraykanka oo loogu baaqay inuusan xayiraad saarin India

0
532

Labo ka mid ah senatarrada aqalka sare ee Maraykanka ayaa madaxweynaha dalkaasi Joe Biden kula taliyay inuunan cunaqabateyn ku soo rogin dowladda India.
Tani ayaa timid ka dib markii India ay sanadkii 2018-kii Ruushka la saxiixatay heshiis ku kacaya 5.5 bilyan oo doolar oo ay kaga soo iibsanayso hannaanka difaaca hawada ee S-400.
Agabka ay India kala soo wareegaysa xukuumadda Moscow ayaa ah 5 la isaga difaaci karo gantaallada.
Senatarrada baaqa u diray Biden ayaa kala ah John Cornyn oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo dhigiisa dimuqraadiga Mark Warner.
Warqadda ay qoreen ayay ku sheegeen in hadii India cunaqabateyn la saaro ay saameyn ku yeelan karto iskaashiga labada dal.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Maraykanka uu ansaxiyay xeer dhigaya in dowladdii Ruushka kala heshiisa arrimaha gaashaandhigga iyo sirdoonka ay muteysanayso cunaqabateyn.