Olole lagu joojinayo tacadiyada ka dhanka ah carruurta oo ka billowday Nairobi

0
528

Dowladda dhexe ee dalka ayaa magaalo madaxda wadanka ee Nairobi daaha kaga qaadday olole heer qaran ah oo lagu beddelayo hab dhaqanka dadweynaha si loo abuuro wacyigelin ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah carruurta.
Ololaha loogu magac daray Spot it, Stop it! oo micnaheedu yahay halkaasi ku jooji ayaa waxaa hormuud ka ah agaasinka adeegyada carruurta ee DCS.
Waxaa ilaa iyo hadda laga billaabay ismaamullada kala ah Galbeedka Pokot, Baringo, Turkana iyo Gaarisa.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda , waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah Prof. Margaret Kobia ayaa ololahan ka daahfuri doonto dugsiga hoose dhexe ee Kibera ee Nairobi.
In kasta oo guud ahaan dalka ay hoos u dhaceen heerarka rabshadaha ka dhanka ah carruurta ee tobankii sano ee la soo dhaafay, ayaa dhanka kale heerka baahsanaanta ay weli tahay mid walaac leh oo aad u sarreeysa guud ahaan dalka.
Waxaa kiisaska ugu badan ee la xiriira xadgudubyada ka dhanka ah carruurta laga soo tabiyay xaafadaha aan la deegaameyn ee wadanka.
Waxaa dhanka kale xogta ay soo bandhigtay nidaamka maareynta macluumaadka la xiriira ilaalinta carruurta ee CPIMS, muujinaya in 105,759 xaaladood oo rabshado ka dhan ah carruurta la soo tabiyay intii u dhaxaysay bilihii Koowaad iyo Lixaad ee sanadkan.
Boqlkiiba 93 ee kiisaskan ayaa inta badan la xiriira xadgudub jireed, guurka degdeg ah, gudniinka fircooniga ah iyo gobodfallada dhanka galmada.
Wasaaradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda , waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah ayaa ballanqaadday inay abuuri doonto iskaashi cusub oo taabanayo dhinacyo muhiim ah oo la doonayo in lagu ilaaliyo looguna adeego danta carruurta dalka.
Ololaha wacyigelinta ku saabsan ee xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ee Nairobi ayaa lagu wadaa in ay iska kaashadaan dowladda dhexe iyo shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.