Booliska Mandera oo raadinaya wiilal walaalkood gubay

0
387

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Mandera ayaa lagu soo warramayaa inay raadinayaan labo eedeysanayaal oo walaalo ah kuwaaso loo haysto inay galinkii dambe ee shalay dab qabadsiiyeen wiil ay wada dhasheen oo 14 sano jir ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ardayga la gubay uu dhigto fasalka toddobaad ee dugsiga hoose dhexe ee Kamoor oo ku yaalla Mandera.
Qoraalka waaxda ayaa muujinaya in tuhmanayaasha falkan gaystay lagu kala magacaabo Ibraahim Axmad iyo Yuusuf Axmad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada wiil ay walaalkood ugu yeereen guriga iyagoona inay gubaan u adeegsaday joodari shidaal lagu shubay oo dab lagu daaray.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in dhibanaha uu ahaa marqaatida kiis loo haysto walaalkii Ibraahim Axmad oo lala xiriiriyay taleefoonka gacanta oo la xaday.
Walaalaha ayaa ka dib markii ay falkan gaysteen dhuumaaleysi galay iyadoo saraakiisha ammaanka ay raadinayaan halka dhibanaha la soo badbaadiyay oo la geeyay isbitaalka wayn ee Mandera maadaama ay xaaladiisu liidatay.