In ka badan 7 qof oo lagu dilay Suudaan

0
315

Ugu yaraan toddobo qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay dalka Suudaan oo ay dibadbaxyo ka dhaceen halka 140 kalena la dhaawacay.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha.
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan tallaabadii uu milatarigu xukunka kala wareegay maamulkii rayidka ahaa.