Raila oo socdaal saddex cisho ah ku tagi doona ismaamulka Turkana

0
595

Hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Turkana halkaas oo uu saddex cisho ku sugnaan doono.
Mr .Odinga ayaa la filayaa inuu maanta kulamo la qaato saraakiisha xisbiga uu hoggaamiyo ee deegaankaasi, kooxaha dhallinyarada iyo waliba haweenka.
Xafiiska isgaarsiinta ee madaxa xisbiga ODM ayaa sheegay in kulanka uu ka dhici doono barxadda Baraza Park ee magaalada Lodwar ee ismaamulka Turkana.
Waxaa uu sidoo kale khudbad ka jeedin doonaa kulan ka dhacaya deegaanka Loima ee Turkana.
Madaxa xisbiga ODM ayaa sidoo kale berri oo Sabti ah booqan doona xerada qaxootiga ee Kakuma iyo Katulu oo ku taala waqooyiga ismaamulka Turkana.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Raila inta uu ku guda jiro safarkiisa uu shacabka dowlad deegaankaasi ka dhadhaciyo waxyaabaha laga dhaxli doono marka la meel mariyo hanaanka sharci beddelka ee warbxinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ololaha sharciga beddelka ee BBI ayaa sii xoogeystay ka hor inta aan afti loo qaadin.
Geddisocodkan ayaa haatan waxa uu horyaala wakiillada goolayaasha 47 ismaamul ee dalka iyadoona dastuurka dalka uu qabo in ugu yaraan 24 dowlad deegaan ay ansxiyaan si loo guda galo geeddisocodka lagu beddelaya qaar ka mid ah xeerarka wadanka.
Kooxda hor kaceyso warbixinta BBI ayaa dejisay in kowda bisha Saddexaad ee sanadkan ay tahay wakhtiga ugu dambeeya ee la doonaya in wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada ay hanaankan ku meelmariyaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Siaya ay hinside sharciyeedka BBI ansaxiyeen halka maalmaha soo socdo la filayo in wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Kisumu, Homa Bay, Kakamega iyo Kilifi ay qaadaan tallaabo tani la mid ah.
Shalay ayay ahayd markii Raila Odinga oo wareysi gaar ah bixiyay uu sheegay inuu rajeynayo in 24 ismaamul laga ansaxiyo qorshaha BBI.