Senatarka ismaamulka Lamu Anwar Loitiptip ayaa maxkamadda la soo taagay ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu haweenay ku toogtay magaalada Nanyuki ee dowlad deegaanka Laikipia.
Mas’uulkan ayaa loo haystaa in habeenkii Sabtida uu haweeney toogasho ku dhaawacay xilli ay ku sugnaayeen halka loo yaqaano KANU Grounds oo ka tirsan Nanyuki.
Hasa ahaate ma uunan qiran dambiga lala xiriiriyay.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa garsooraha maxkamadda magaalada Nanyuki ka codsaday inay muddo shan cisho ah xabsiga ku sii hayaan eedeysanaha si baaritaannada socda loo dhameystiro.
Balse waxaa lagu sii daayay dammaanad lacageed oo gaareysa inta u dhexaysa 500,000 oo shilin ilaa hal milyan ka dib markii ay maxkamadda diiday codsigii saraakiisha dacwad soo oogidda ee ahaa inuu xabsiga ku sii jiro inta baaritaanka laga soo gabagabaynayo.
Senatarka oo ku eedaysan inuu toogasho gaystay iyo adeegsiga hub sharci darro ah ayaa loo diiiday inuu Nanyuki booqdo muddada shanta cisho ee uu baaritaanku socdo.
Sida ku cad warbixinta ciidanka booliska ee ay warbaahintu heshay, haweenaydan oo lagu magacaabo Joy Makena oo 32 sano jir ah ayaa habeenkii Sabtida loola cararay isbitaal Nanyuki ku yaalla iyadoo dhaawacyo rasaas ah ay lugta midig kaga yaaleen.
Saraakiisha booliska ee saldhigga Nanyuki oo dhacdadan ka jawaabay ayaa sheegay in haweenaydan iyo senatarka Lamu uu muran dhexmaray ka hor inta uusan gacan ka hadalku dhicin,waxayna boolisku goobta ka soo heleen rasaastii loo adeegsaday falka haweenayda lagu dhaawacay.