In ka badan hal milyan oo Kenyaan ah oo ka faa’iideysan doona mashruuca Ndoto Zetu

0
882

Laanta samafalka ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Foundation wajigeeda saddexaad ee mashruuca Ndoto Zetu ayaa waxaa ka fa’iideysan doona in ka badan 1.2 Milyan oo qof oo ku nool dhammaan 47 ismaamul ee dalka.
Mahruucan ayaa kenyaanka siinaya fursad ay kula kaashadaan laanta samafalka si ay u soo xulaan waxyaabaha ay ku riyoonayaan oo ay doonayaan inay ka dhabeeyaan.
In badan 200 oo mashariic waxbarasha ah, 44 mashariic caafimaad iyo in ka badan 160 barnaamijyada xoojinta dhaqaalaha ayaa dalka qaybihiisa kala duwan laga hirgelin doona bilooyinka soo socda.
Xarunta caafimaadka Bisil ee Ismaamulka Kajiado iyo Mathews Mission ee Ismamulka Nairobi ayaa ah isbitaallada ugu horreeya ee la qalabeeyay oo ay ka mid yihiin agab la dhigay, sida qalabka dhalaanka la galiyo marka ay dhashaan, sariirro, qalabka qaliinka, mashiinta raajatada, oksijiin iyo kuwa kale.
Tan iyo markii la aas aasay mashruuca Ndoto Zetu ee laanta samafalka ee Safaricom sanadkii 2019-kii, waxay sare u qaadday in ka badan 2 milyan oo qof guud ahaan dalka.
Laanta Samafalka Safaricom ayaa meel dhigtay 100 Milyan oo ay ugu tala gashay wajiga saddexaad ee mashruuca Ndoto Zetu.