Senatarka Lamu oo isku dhiibay booliska

0
593

Senatarka ismaamulka Lamu Anwar Loitiptip ayaa galinkii dambe ee shalay isku dhiibay ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Laikipia.
Waxaa loo haystaa inuu haweeney ku toogtay magaalada Nanyuki halkaasi oo uu ku dhaawacay.
Senatarka ayaa xalay ku hooyaday saldhigga booliska ka hor inta aan maanta maxkamad la soo taagin.
Waxaa uu wajahayaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu dhaawac gaystay sidoo kalena si aan habboonayn uu hub u adeegsaday.
Warbixin ay booliska soo sareen ayaa waxaa ku cad in Joy Makena oo 32 sano jir ah habeen ka hor loola cararay isbitaalka Nanyuki ka dib dhaawac ka soo gaaray rasaas looga dhuftay lugta midig anqawga korkiisa.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in Makena iyo senatarka Lamu uu muran dhex maray ka hor inta sida lagu eedeynaya uunan toogan.
Ciidamada oo ka falceliyay dhacdadaasi ayaa laga soo xigtay inay soo heleen rasaas aan la isticmaalin, qori iyo 13 xirmo oo rasaas ah.
Senatarka ayaa wargeyska Standard u sheegay in lagu weeraray maqaaxi ku taalla magaalada Nanyuki taasoo keentay inuu rasaas furo.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu isbitaalka u tagay baaritaan caafimaad , arrintan uu mar dambe ka hadli doono balse sida uu sheegay ay xaqiiqdu tahay in burcad mindiyo ku hubeysan ay soo weerareen iskagana uu falcelin sameeyay.