Ugu yaraan 8 qof oo loo xiray inay dhagaxaan ku weerareen baabuur uu la socday Ruto

0
452

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay in ka badan 8 eedeysanayaal oo lala xiriirinayo qalalaase lagu bartilmaameedsaday kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Ciidamada booliska ayaa raadinaya tuhmanayaal kale oo la rumeysan yahay inay dhacdadaasi ku lug lahayeen.
Wasiirka ayaa saraakiisha ammaanka ku boorriyay inay dadaalkooda laba jibaraan oo ay xabsiga u taxabaan cid kasta oo rabshadda dhacday ka qayb qaadatay.
Qalalaasaha ayaa maalin ka hor laga soo tabiyay ismaamulka Busia halkaasi oo uu socdaal ku tagay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Dr. Matiang’i ayaa xusay in falkaasi ay gaysteen dhallinyaro uu ku tilmaamay qas wadayaal.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhacdooyinka noocani ah ay dhaawacayaan dimuqraadiyadda Kenya.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa wacad ku maray in dowladda ay sida ku habboon ula tacaali doonto shakhsiyaadka kiciya rabshadaha siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tallaabada laga qaado eedeysanayaasha ay digniin cad u noqon doonto cid kasta oo falkan oo kale damacsan.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta ay xor u yihiin inay tagaan deegaanada kala duwan ee dalka oo ay dadka qanciyaan iyagoo ilaalinaya xeerarka dastuuriga ah.
Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in aynan arrintan fududeysanayn sidaas awgeedna eedeysanayaasha la qabtay maanta maxkamad la soo taagi doono.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa gudaha wadanka laga dareemayay isku dulqaad la’aan siyaasadeed.
Dhawaan ayay ahayd markii la xiray xildhibaanka bartamaha Kisumu Fred Ouda oo lagu eedeyay inuu rabshad ka abuuray maqaaxi ku taalla ismaamulkaasi.
Bishii sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga ODM Jimi Wanjigi lagu weeraray dowlad deegaanka Migori.