Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo xabsi guri la geliyay, iyadoo isku day afgembi uu jiro

0
367

Waxaa lagu soo warramayaa in dalka Suudaan uu ka socda isku day afgembi, iyadoo militeri oo aan la aqoon ay isku hareereeyeen guriga ra’iisul wasaaraha wadankaasi Cabdalla Hamdok.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale waxaa la sheegaya in ciidamada ay xireen afar kamid ah golaha wasiirrada iyo qof rayid ah oo ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ee Suudaan.
Waxaa dhanka kale wararku sheegayaan in xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan, iyadoo sidoo kale hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.
Khamistii kumanaan kun oo qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay caasimadda Suudaan si ay taageero ugu muujiyaan dowladda kumeel gaarka ah.
Dhinka kale, waxaa jiray dad kale oo taageerro u muujinayay militeriga islamarkaana ugu baaqay inay afgembiyaan dowladda ku meel gaarka ah, waxay ku eedeeyeen inay fashilantay.
Waxay xiisad ka dhex taagneyd militeriga iyo shacabka Suudaan, maadama labada dhinac ay qayb ka yihiin dowladda kumeel gaarka ah ee la dhisay sanadkii 2019-kii si dalka loogu jiheeyo doorasho.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dad taageerayo dowladda rayidka ah ay isugu soo baxeen waddooyinka dalkaasi halka militeriga ay isku dayayaan inay ka hortaggaan.