Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa doonaya in dadka Kenyaanka ah ay ku kalsoonaadaan, islamarkaana ballanqaadkiisa ku aadan in qoysaska danyarta ah ee aanan u soo xaroonin dakhli, bil walbo la siin doono 6 kun shillin ka dib doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in ballanqaadkiisa ahaa hagaajinta hab nololeedka dadka caadiga ah ay tahay arrin dhaqangeli doonto.
Waxaa uu xusay inuu ogyahaya halka uu dhaqaalahani ka heli doono.
Mr. Odinga ayaa carrabka ku dhuftay halka ay ku jirto lacagtaan, islamarkaana shakhsiyaadka lunsado kheyraadka dadweynaha dhammaantood sharciga la horkeeni doono, haddii uu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreya ee dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay madaxa xisbiga ODM xilli u shalay socdaal ku maray deegaanno ka tirsan ismaamulka Kiambu, sidoo kalena xarun caafimaad xariga kaga jaray halkaasi .
Waxaa uu shaaca ka qaaday in in ka badan 600 bilyan oo shillin sannad walba laga xado khasnadda dowladda.
Wuxuuna ballanqaaday inuu soo afjari doono musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda, islamarkaana dhaqaalihii la lunsan lahaa uu ku garab istaagi doono qoysaska danyarta ah.
“Waxaan soo noqday ra’iisul wasaaraha dalka, waana ogahay waxa aan sheegayo, waan ogahay inay suurtogal tahay, Waxaan ka hor taggi doona musuqmaasuqa si aan u caawiyo dadka danyarta ah” ayuu yiri Raila Odinga.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyey heerka ay muwaadiniinta qaar ay naftooda ku waayaan daryeel la’aan.
Waxaa uu ku adkeystay in muwaadin kasta oo Kenyaan ah, haddii u lacag haysto iyo haddii kaleba, ay tahay in loo dammaanad qaado adeegyo daryeel caafimaad oo tayo leh.
Madaxa xisbiga ODM ayaa sheegay in laga bilaabo sanadka soo socda, qof kasta oo Kenyaan ah uu yeelan doonaa caymis caafimaad oo dhameystiran.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inuusan dooneyn inuu maqlo in qof Kenyaan ah lagu hakiya isbitaal sababo la xiriira bixinta lacagtii lagu daaweeyay.
Waxaa uu Mr. Odinga u jawaabay siyaasiyiinta dhaliilaya ballanqaadyada uu u sameynaya shacabka .
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa musharraxiinta la tartamaya ee isaga dhaliilsan ku sheegay kuwo aynan ka go’onayn wax ka beddelidda nolosha kenyaanka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka oo uu ku deeqay agab caafimaad oo ku kacaya 10 milyan oo shilin ayuu Mr. Odinga yiri