Madaxweynaha dalka oo meesha ka saaray bandowga habeenkii

0
600

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad qaran ka jeediyay munaasabadda xuska maalinka halyeeyada ayaa sheegay in bandowga habeenkii ay soo bilowday 27-kii bishii Saddeexaad ee sanadkii hore 2020-ka haatan meesha laga saaray, islamarkaana uu amarkan dhaqangalaya sida ugu dhaqsiyaha badan.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay , isagoo tixraacaya hoos u dhaca heerka cudurka Covid19 ee dalka.
Bandowga habeenkii ee lasoo rogay horraantii sanadkii hore ayaa looga gol lahaa in lagu xakameeyo cudurka Covid19 oo wali sameyntiis ay jirto.