DHAGEYSO:Hoggaamiyeyaasha oo loogu baaqay in maalinka halyeeyada ay jeediyaan khudbado ku saleysan nabadda

0
597

Afhayeenka golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa ku baaqay nabad iyo midnimo ka hor munaasabadda 58-aad ee maalinka halyeeyada ee Mashujaa Day oo ku beegan 20-ka bishaan oo berri ah, islamarkaana lagu qaban doono garoonka Wang’uru ee deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka oo caddeeyay inuu damacsan yahay u tartamida jagada madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadka dambe ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha dalka oo dhan inay maamuusaan maalinta halyeeyada, iyagoo ku hadlaya farriimaha nabadda iyo midnimada.
Waxaa uu sheegay in dhammaan aynu wada nahay geesiyaal kaalin ka qaatay horumarka wadanka iyo mustaqbalka qaranka.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in gobolka bartamaha dalka ay sharaf uu tahay inuu marti geliyo madaxweynaha dalka Uhuru Muigai Kenyatta iyo dhammaan martida ka soo qayb geli doonta munaasabadda maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day oo lagu qabanayo dowlad deegaanka Kirinyaga