Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ay diiwaangeliyeen codbixiyayaal cusub oo gaaraya 491,968.
Guddiga ayaa horay u qorsheeyay in labada isbuuc ee ugu horreysa uu diiwaangeliyo 3 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.
Tirada shacabka ee ilaa iyo hadda isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2022-ka ayaa u dhiganta boqolkiiba 15.47 sida u cad bayaanka guddiga IEBC.
Guddiga ayaa warbixinta xigta soo saari doono Isniinta soo socoto oo ay taariikhdu tahay 25-ka bishan Tobnaad.
Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo soo billaabatay 4-tii bishan ayaa ku eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Hoos u dhaca dhanka diiwaangelinta ayaa loo aaneeyay sababo dhowr ah oo ay ka mid tahay saameynta abaarta ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka , dadka oo aan sidii hore niyad ugu hayn codeynta maadaama ay cabasho ka muujinayaan waxqabadka madaxda ay soo doorteen oo hooseysa.
IEBC ayaa siyaasiyiinta iyo madaxda kala uga mahadcelisay sida joogtada ah ee ay dadweynaha ugu boorrinayaan inay is diiwaangeliyaan ka hor inta uunan dhammaan wakhtiga howshan qaran loo qorsheeyay.
Guddiga IEBC ayaa horay u sheegay inuu doonayo in ugu dambeyn 2-da bisha 11-aad ee sanadkan uu diiwaangeliyo ugu yaraan 6 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.
Home Wararka Kenya IEBC oo sheegtay inay diiwaangelisay boqolkiiba 15 ee tirada codbixiyayaashii bartilmaameedsanaa