Danjirihii Maraykanka ee Afghanistan oo is casilay

0
366

Waxaa xilkii uu hayay iska casilay Zalmay Khalilzad oo dowladda Maraykanka ku matalayay wadanka Afghanistan.
Mas’uulkan ayaa cadaadis wajahayay tan iyo markii kooxda Taalibaan ay bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkan la wareegtay hoggaanka Afghanistan.
Tallaabada uu xafiiska ku baneeyay waxaa warbaahinta u xaqiijisay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Tani ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo bilood markii dowladda Maraykanka ay ciidamadeeda kala baxday gudaha Afghanistan oo ay ka howlgalayeen 20 sano.
Waxaa Khalilzad beddelaya ku xigeenkiisa Tom West sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo bayaan soo saaray.
Mr. Blinken ayaa xusay in Tom West uu si dhow ula shaqeyn doono safaaradda Maraykanka oo hadda fadhigeedu yahay magaalada Dooxa ee dalka Qatar si looga wada shaqeeyo danaha Maraykanka iyo Afghanistan.