Waaxda dacwad oogista oo dalbatay in wax laga badalo kiiska wasiirkii hore ee dhaqaalaha

0
428

Saraakiisha waaxda dacwad oogista dalka ayaa gudbiyay codsi cusub oo ay ku doonayaan in wax laga badalo eedaymaha musuqmaasuqa ee loo haysto wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada wadanka Henry Rotich iyo shaqsiyaad kale oo ku eedaysan inay ku lug leeyihiin fadeexada biyo xireenada Kimwarer iyo Arror oo la sheegay in lagu lunsaday dhaqaale gaaraya Sh63 bilyan oo shilinka dalka ah.
Waxay doonayaan in kiiskaan la sii xoojiyo sidoo kalena lagu daro maamulihii hore ee dooxada Kerio Valley Divdi Kimosop sidoo kalena dib u eegis la sameeyayo.
Codsiga agaasimaha guud ee dacwad soo oogista dalka Nooradiin Xaaji ayaa lagu doonayaa in la ayreeyo tirade shaqsiyaadka eedaysaneyaasha ah eek u jira kiiskaan oo hada ah 40 ilaa 30 lagana dhigo 18 ilaa 9.
Dacwad ooga gaarka ah Taib Ali Taib iyo agaasime ku xigeenka waaxda Alexander Muteti waxay sheegeen in marka kiiska la xoojiyo ay tirade markhaatiyaashu hoos uga dhici doonto 104 ilaa 52,sidaad darteedna ay dardargalin doonana go’aaminta labadaan dacwadood oo ka sal gaaristoodu muhiim u tahay dadweynaha.
Mr Muteti aya sheegay in Mudnaanta cadaalady tahay arimahaan oo wada jir loo dhagaysto si loo baajiyo dib u dhac ku yimaada.
waaxda dacwad soo oogid dalku waxay xustay in xoojinta kiiskaan ay badbaadin doonto waqti qaali ah oo garsoorka iyo khayraadka dalkaba.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inay jiraan ilaa sadex faylal maxkamadeed oo ay ku xusan yihiin Mr Rotich,Mr Kimosop iyo shirkada Talyaaniga laga leeyahay oo ku lug leh malaayiin shilin oo lagu lunsaday biyo xireenada Arror iyo Kimwarer.
Balse qareen sare oo lagu maagcaabo Kioko Kilukumi oo Mr Rotich matalaya iyo qareeno kale ayaa maxkamada u sheegay inay ka soo horjeedaan isku darka labada kiis ee la sheegay maadaama ay doonayaan waqti dheeraad ah oo ay jawaab faahfaahsan ku soo gudbin karaan.
Qareenada kiiskaan ayaa sheegay inay tani tahay markii shanaad ee waaxda dacwad soo oogida dalku waxka badasho kiiska wasiirkii hore ee maaliyada.
Garyaqaan Katwa Kigen oo ah qareenka, Kimosop ayaa ku eedeeyay waaxda dacwad oogista inay dib u dhigtay kiiskaan ayadoo soo bandhigtay eedaymo cusub,balse waxaa arintaasi ku gacan sayray garyaqaan Muteti oo sheegay inuu jiro olole sumcad dil oo ka dhan ah waaxda dacwad soo oogista dalka wuxuna xusay inuu aad u danaynayo in arimahaan la xaliyo.
Warqadaha cusub ee maxkamada loo gudbiyay ayaa waxaa safka hore ugu jira sagaal eedaysane oo kala ah Henry Rotich, Kennedy Nyakundi Nyachiro, Jackson Njau Kinyanjui, David Kipchumba Kimosop, William Kipkemboi Maina, Paul Kipkoech Serem, Francis Chepkonga Kipkech, Titus Muriithi iyo Geoffrey Mwangi Wahungu.
Dhamaan shaqsiyaadkaan waxay ku eedaysan yihiin inay maleegeen shirqool dowlada looga qiyaamay dhaqaale gaaraya 501,829,769 doollar $ iyagaoo si sharci daro ah u galay heshiiso maalgalin iyo caymis oo loogu talagalay biyo xireenada Kimwarer iyo Arror.
Dadkaan waxay wajahayaan 29 dacwadood oo cusub kuna saabsan mashaariic aan la qorshayn oo la bilaabay si ula kac ah, inay ku guuldarasyteen u hogaamsanka sharciyada wax iibsiga,ku takrifalka xafiiska dadweynaha iyo anshax xumo maaliyadeed.
Eedaysaneyaasha ayaana beeniyay eedaymaha loo haysto waxayna hada ku joogaan damaanad.