Hal sano oo ka soo wareegatay geeridii Daniel Arap Moi

0
987

Waxaa maanta hal sano laga joogaa taarikhdii uu geeriyooday madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee Kenya Daniel Toroitich Arap Moi .
4-tii bishii labaad ee sanadkii hore ayuu Moi geeriyooday.
Waxaa uu wadanka hoggaaminayay 24 sano laga soo billaabo 1978-dii ilaa 2002-dii.
Xaflad lagu xusuusanaya waxqabadkiisi ayaa maanta lagu qabanayaan deegaanka Kabarak ee ismaamulka Nakuru waxaana munaasabaddaas ka qayb galaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta .
Madaxweynihii labaad ee dalka ayaa lagu xusuustaa hal-qabsiga nabad, jaceyl iyo midnimo.