Maamulayaasha dugsiyada hooyga leh oo lagu amray in ay habeenkii ardayda tirokoob ku sameeyaan

0
594

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada wadanka ee leh qaybta hooyga ee ay ardaydu seexdaan amar ku siiyay in habeenkii ay tirokoob sameyaan.
Xilli uu tagay mid ka mid ah dugsiyada ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi ayuu wasiirku amarkan soo saaray.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in aan qiil laga dhigi karin in qaybta jiifka ee dugsiga ay gubatay iyadoo ardaydu ay fasallada ku jiraan.
Waxaa uu xusay in macallimiinta sida gaarka ah u qaabilsan qaybaha jiifka ee dugsiyada iyo mas’uuliyiinta ardayda sidoo kale laga doonayo in ay xarumahan xiraan marka ay socdaan casharrada dheeraadka ee habeenkii.
Prof. Magoha ayaa xusay in ardayda oo la tirokoobo ka hor inta aynan seexan ay ka hor tag u noqon karto falalka isa soo taraya ee lagu gubaya dugsiyada.
Tan iyo markii 4-tii bishii hore dib loo furay goobaha waxbarashada ee dalka waxaa la soo tabiyay dhacdooyin dhowr ah oo dab lagu qabadsiiyay qaybo ka mid ah dugsiyada.
Falalkan ayaa waxaa ka dhalatay dood ah sida ugu habboon ee dhibaatooyinkan xal waara loogu heli karo.
Qaar ka mid ah saamileyda tacliinta ayaa waalidiinta ku eedeyay in ay ka gaabiyeen mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhow ula socdaan hab-dhaqanka carruurtooda.
Ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET ayaa dowladda u soo jeediyay in ay meesha ka saarto nidaamka dugsiyada leh qaybaha jiifka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhankiisa ku taliyay in la soo celiyo garaacii ardayda ee sanado ka hor la mamnuucay.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in wasaaraddu ay soo saartay wareegto ku saabsan qaabka la doonayo in lagu maamulo dugsiyada si looga hor tago falalka xarumaha waxbarashada lagu gubo ugu dambeyna loo badbaadiyo nolosha ardayda iyo macallimiinta.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada ku amray in ay 25-ka bishan kulamo la qaataan guddiyada tacliinta ee dowlad deegaanadooda si looga wada hadlo dhacdooyinka sii kordhaya ee gubitaanka dugsiyada oo ayna soo saaraan soo jeedinno la dhaqan gelin karo.
Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in wasaaradda tacliinta iyo waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay iska kaashanayaan sidii xal loogu helo falalka ay ardayda ku dhiibaateeyaan macallimiinta in kastoo uunan arrinkan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Hadalka Magoha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan waaxda DCI-da ay ardayda ku wargelisay in la diiwaangelinayo fal dambiyeed kasta oo ay sameyaan si loogu soo bandhigo shahaadada ka turjumaysa hab-dhaqanka qofka.
Dhanka kale wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in ugu yaraan 550,000 oo ah kuraasta ay ardaydu ku fariistaan loo qaybiyay dugsiyada dalka.
Sidoo kale waxaa uu Prof. Geore Magoha xusay in dowladda ay bixisay boqolkiiba 70 ee qarashaadka ku baxay soo saaridda kuraastan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay si qoto dheer u eegayaan dokumeentiyada loo gudbiyay oo lacagaha la siinaya keliya farsama yaqaannada u qalmo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ilaa iyo hadda dowladda dhexe ay ugu yaraan hal bilyan oo shilin kaga baxday barnaamijkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here