DHAGEYSO:Ismaamulka Garissa oo shaaciyay tallaabooyin ka dhan ah abaarta

0
377

Dowladda ismaamulka Garissa ayaa shaaca ka qaaday tallaabooyin lagu xoojinaya dadaallada ay uga falcelinayso saameynta abaarta.
Barasaab ku xigeenka Garissa Cabdi Dhaqane ayaa sheegay inay mudnaanta koowaad siinayaan biyo dhaaminta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in 6-da deegaan baarlamaneed ee Garissa laga hirgeliyay ilaa 350 xarumood oo dadweynaha looga fidinaya biyo dhaamin.
Ku xigeenka guddoomiyaha dowlad deegaanka Garissa ayaa sheegay in maadaama ay xaalad adag jirto aynan u furnayn waddo kale oo aan ahayn in la kordhiyo tirada booyadaha la howlgeliyay.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la sii wadi doono dayactirka ceelasha biyaha iyadoo lagu saleynaya baahiyaha dadka iyo xoolaha.
Cabdi Dhaqane ayaa sheegay in koox uu hor kacaya sarkaalka sare ee waaxda biyaha ee Garissa Axmed Cabdinuur loo diray inay dib u hagajiyaan ceelka biyaha ee Deka Harja oo shacabka ay baahi wayn u qabaan.
Ku xigeenka barasaabka Garissa waxaa uu dhanka kale saraakiisha waaxyaha biyaha , barnaamijyada gaarka ah , xoolaha, beeraha iyo maaliyadda ku boorriyay inay isa saaraan mas’uuliyad isku mid ah oo ayna isku duba ridaan dadaallo joogto oo ka dhan ah abaarta.
Cabdi Dhaqane waxaa uu sheegay in waaxda xoolaha ee Garissa ay si degdeg ah uga falcelin doonto kiisaska cudurrada xoolaha ee deegaanka Fafi.
Sidoo kale waxaa uu wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin darawalkii la soo tabiyo in isagoo biyo dhaamin loo xilsaaray uu habdhaqan xumo sameeyay.
Mas’uulkan waxaa uu hoosta ka xarriiqay in sare loo qaadaya dabagalka la xiriira ka jawaabidda saameynta abaarta .
Kulanka uu arrimahan ka sheegay guddoomiye ku xigeenka Garissa ayaa waxaa ka qayb galay xoghayaha dowlad deegaankaasi Cabdi Muxumad , xoghaye ku xigeenka Yuunis Nuur , wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale Ciisa Ooyow , dhigiisa biyaha iyo waraabka Cabdi Cumar, sarkaalka sare ee waaxda biyaha Axmad Cabdinuur ,dhigiisa waaxda xoolaha iyo beeraha Ibrahim Malow iyo agaasimaha barnaamijyada gaarka ah ee ismaamulka Garissa Cabdinuur Ole Xuseen.
Dhanka kale mid ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa ayaa ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaarta saameysay oo xaalad adag wajahaya.