Xaaladda baniaadanimo ee Yemen oo sii xumaatay

0
352

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in xaaladda baniaadanimo ee ka jirta dalka Yemen ay gaartay heer ka sii daran sidii hore.
Hay’adaha gargaarka ayaa hadda caawinaya ku dhawaad 13 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan wadankaasi.
Ku xigeenka madaxa gargaarka baniaadanimo ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Ramesh Rajasingham ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in tirada dadka u baahan gargaarka ay bilooyin gudahood ku korortay 3 milyan.
Mas’uulkan ayaa ku baaqay in la laba jibaaro dadallada gurmadka maadaama dagaallada ka taagan Yemen ay sii xoogaysanayaan sidoo kalena dhaqaalaha uu hoos u dhacay.