Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Eugene Wamalwa ayaa si rasmi ah u wareejiyay jagadii uu horay u hayay ee ahayd wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta.
Waxaa xilkan kala wareegay Charles Keter ee madax ka ahaa wasaaradda tamarta ee dalka.
Mr. Wamalwa ayaa sidoo kale waaxda qaabilsan horumarinta deegaanada oomanaha ee loo yaqaano ASALs iyo barnaamijyada gaarka ah ku wareejiyay Margaret Kobia oo wasaaradeeda dhawaan la hoos geeyay.
Mr. Eugene ayaa saaxiibada horumarka ee Kenya iyo golaha barasaabyada dalka ugu baaqay inay sii wadaan wada shaqeyntii hoose ee ka dhexeysay.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada.