Nin carruur laayay kadibna xabsi ka baxsaday oo lagu dilay Bungoma

0
832

Masten Wanjala oo ah 20 sano jir qirtay inuu dilay carruur dhowr ah kadibna dhawaan ka baxsaday saldhigga booliska ee Jogoo Road ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Wanjala ay dileen shacab careysan oo isugu tagay.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan Bungoma Cornelius Nyaribai.
Dilkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo saraakiisha ammaanka ay wadeen howlgal lagu raadinaya Wanjala oo loo arkayay inuu khatar ku yahay bulshada.