Dowladda dhexe oo tallaabooyin habboon kaga falcelinaysa saamaynta abaarta

0
433

Dowladda dhexe ee dalka ayaa shacabka u xaqiijisay inay jiraan tilaabooyin ku filan oo lagu yaraynayo saamaynta aan wanaagsanayn ee abaaraha ka jira qaybo badan oo wadanka ka mid ah.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa si gaar ah hoosta uga xarriiqay inuu hubin doono inaysan nolosha qof Kenyan ah aysan waxyeello ka soo gaarin dhibaatooyinka abaaruhu sababeen ee deegaano kala duwan ka jira.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in dhaqaale ku filan la abaabulay lana kordhin doono haddii loo baahdo si loo xakameeyo saamaynta abaarta xilli uu bulshada la wadaagayay faahfaahin ku saabsan abaarta.
Col. Oguna ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Jubilee ee uu madaxweyne Uhuru Kenyatta hoggaaminayo uu talaabooyin dhowr ah qaaday iyadoo kaalmooyin kala duwan oo gargaar ah la siinayo qoysaska ay dhibaatadu saamaysay.
Tallaabooyinka ay dowladdu qaaday ilaa iyo hadda si ay uga hortagto dhibaato baniaadanimo waxaa ka mid ah qaybinta cunooyinka.
Waxaa lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin loo isticmaalay in cunooyin lagu gaarsiiyo gobollada ay dhibaatada saamaysay ilaa bilowgii bishaan.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray inay dolwaddu ku dadaalayso sidii ay xaaladaha abaaraha u xakamayn lahayd iyadoo dhanka kale la kaashanayo taageerada saaxiibada Kenya ee dhanka horumarka.

Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda in ka badan 260 milyan lagu qarash gareeyay arrimaha waxbarashada,caafimaadka,nafaqaynta,quudinta xoolaha,amniga iyo biyo dhaaminta.
Hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa lacag gaaraysa 380 milyan oo shilin ku soo iibisay 32,000 oo kiish oo ah quudka lo’da kuwaasoo horay loogu qabiyay deegaanada ay dhibaatadu saamaysay sida uu sheegay afhayeenka dowladda.
Intaasi kali ah ma ahan balse sida laga soo xigtay afhayeenka dowladda dhexe, hay’adda cunada adduunka ee WFP ayaa la laga filaya ilaa 500 oo milyan taasoo loo adeegsanayo bixinta gargaar kala duwan.
Wuxu xusay in hay’adaha qaramada midoobay ee gudaha dalka ka howlgala ay billaabeen barnaamijka loogu magacdaray Flash Appeal oo ah kaalmo gudaha iyo dibadda ah gaaraysana 13.9 milyan oo doollar.
Mr .Oguna ayaa tilmaamay in dowladda dhexe iyo ismaamullada oo iskaashanaya ay sii wadayaan dadaallada deegaanada ay dhibaatadu ka jirto lagu gaarsiinayo biyo si dadka iyo xooluhu is isticmaalaan.
Iyadoo la adeegsanaya barnaamijka taageeridda bulshada ee Inua Jamii, ayay dowladdu sheegtay in wax ka badan hal milyan oo qoys oo ku nool guud ahaan wadanka ay helaan lacago caddaan ah oo gaaraya 2,000 oo shilin bishii si loo daryeelo dadka waayeelka,agoonta iyo dadka kale ee nugul.
Kormeer dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kala bar dalka ay abaartu saamaysay balse ay deegaanadu kala daran yihiin.
Deegaanada ku jira qaybta 1-aad ee ugu daran abaartana khatarta weyn ugu jira sidoo kalena u baahan farsamooyin wax qabad oo gaar ah waxaa ka mid ah ismaamullada Garissa, Isiolo, Kilifi, Kitui, Mandera, Marsabit, Samburu, Tana River iyo Wajeer sida uu sheegay afhayeenka dowladda dhexe Mr.Cyrus Oguna.
Deegaanada qaybta 2-aad ku jira ee halista abaarta dhexdhexaadka lagu tilmaamay waxaa ka mid ah ismaamullada Baringo, Turkana, Kajiado, Kwale, Laikipia, Lamu, Makueni, Meru, Taita Taveta, Tharaka Nithi iyo West Pokot.
Ugu danbayntii qaybta saddexaad ee la kulmaya halista hoose ayaa lagu sheegay Embu, Narok iyo Nyeri.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xusay in qorshaha wax ka qabashada abaarta ee ilaa bisha 12-aad ee sanadkaan uu diyaar yahay ayna dowladdu sii wadayso abaabulka khayraadka si xaaladda adage e jirta loo yareeyo.