IEBC oo qoraal ka soo saartay beddelashada goobta codbixinta

0
697

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inay suurtagal tahay in qofka uu beddesho goobtii codbixinta ee uu horay iskaga diiwaangeliyay.
Guddiga ayaa qofka daneynaya inuu isbeddel ku sameeyo macluumaadkiisa codeynta kula taliyay inuu tago xafiiska IEBC ee deegaan baarlamaneedka uu door bidaya.
Dhanka kale IEBC ayaa sheegtay in 34 xarumood oo maanta lagu qabanaya doorashooyin ku celis ah la geeyay ciidamo amniga sugaya.
Goob kasta oo ay codbixintu ka dhacayso waxaa jooga ugu yaraan labo sarkaal.
Sidoo kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dalka ayaa sheegay in goobaha codadka la dhiibto lagu tirin doono la geynaya ciidamo dheeraad ah.
Meelaha ay maanta doorashooyinka ku celiska ah ka dhacayaan waxaa ka mid ah deegaanka hoose ee Nguu/Masumba ee ismaamulka Makueni.