IEBC oo sheegtay inaynan dhaqaale u hayn diiwaangelin kale

0
460

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa sheegay inuunan haysan miisaaniyad uu u adeegsan karo in la qabto diiwaangelin kale oo loo sameynaya codbixiyayaasha ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Prof.Cabdi Yaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee IEBC ayaa guddiga arrimaha sharciga ee baarlamaanka u sheegay in miisaaniyaddoodi la dhimay qiyaastii kala bar.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in caqabadda dhaqaale ee uu wajahaya guddiga awgeed aynan suuragal ahayn in la kordhiyo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee soo billaabatay 4-tii bishan kuna eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu golaha qaran ee xeer dejinta kula taliyay inuu guddiga doorashooyinka u qoondeeyo miisaaniyad ku filan.
IEBC ayaa qorsheynaysa inay diiwaangeliso ugu yaraan 6 milyan oo codbixiyayaal cusub ah in kastoo tan iyo Isniintii hore uu jiro walaac laga muujinaya tirada dadka u soo baxaya is diiwaangelinta oo weli hooseysa.