Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay diiddan tahay oo aynan marnaba aqoonsan doonin go’aankii ay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ shalay ka soo saartay murankii badda ee Kenya kala dhexeyay Soomaaliya.
Mr. Kenyatta ayaa wacad ku maray inuu qaab kasta oo suurtagal ah ku difaaci doono xuduudda Kenya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in Kenya aynan filan waa ku noqon go’aanka maxkamadda hasa ahaate ay walaac ka muujinayso saameynta uu ku yeelan karo gobolka geeska Afrika iyo si guud xeerarka caalamiga ah.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aanka garsoorayaasha laga dheehan karo ka tallaabsashada waajibaadka saaran oo ayna su’aal gelinayso qadarinta madax bannaanida iyo oggolaanshaha dowladaha ee geeddisocodka garsoorka ee heer caalami ah.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa arrimahan ka hadlay isagoo ku sugan dalka Maraykanka wax yar un ka dib markii uu khudbad ka jeediyay kulanka golaha amniga ee qaramada midoobay.
Dhanka kale hoggaamiyaha dalka ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay in arrinkan si wanaagsan loo xalliyo isagoo deganaansho ku baaqay.
Waxaa uu intaa ku daray in go’aanka maxkamadda uu dhaawacaya xiriirka ka dhexeya labada dowladood ee dariska ah.
Mr. Uhuru Kenyatta waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay inay qadariso madax bannaanida Kenya iyo xaqa ay u leedahay inay qaab kasta oo habboon ay dhulkeeda ku difaacato.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha wadanka sheegay in dowladda Kenya ay arrintan u bandhigi doonto midowga Afrika sida barnaamijka AU-da u qaabilsan xudduudaha, amniga , nabadgalyada iyo in la kaashado heshiisyada kale ee laba geesoodka ah.
Bayaanka Mr. Kenyatta waxaa ku cad in Kenya ay ka go’an tahay adeegsiga xal dibloomaasiyadeed si looga gudbo muranka taagan.