Booliska Myanmar oo dacwado ku soo oogay hoggaamiyihii dalkaas

0
774

Ciidamada booliska ee dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa in ay dacwado ku soo oogeen Aung San Suu Kyi oo wadankaas hoggaaminaysay ka hor inta militariga uunan qaab afgembi ah talada kula wareegin.
Waxay haweeneydan ku eedeynayaan in ay jebisay xeerarka u degsan soo dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka.
Booliska ayaa dalbanaya in la xiro oo ay xabsiga ku jirto ilaa 15-ka bishan.
Dokumeenti ka soo baxay saldhigga booliska ee caasimadda Myanmar ee Naypyitaw ayaa lagu sheegay in saraakiishii militari ee baaritaanada ka sameeyay guriga Suu Kyi ay heleen raadiyayaal si sharci darro ah wadankaas lagu soo geliyay sidoo kalena oggolaansho la’aan la isticmaalay.