Ruto oo ku baaqay in dacwad lagu soo oogo saraakiisha ku lugta leh sare u kaca qiimaha shidaalka

0
599

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku baaqay in dacwad lagu soo oogo saraakiisha dowlada ee ku lugta leh sare u kaca qiimaha shidaalka ee wadanka.
Dr. Ruto ayaa sheegay inay jiraan mas’uuliyiin dowladeed oo musuqmaasuq ku kacay kuwaas oo ka faa’iideysanaya qiimaha shidaalka ee sarreeya.
Waxaa uu dalbaday in sharciga lo horkeeno saraakiishaasi.
Waxaa uu arrin la la yaabo ku tilmaamay sababta qiimaha batroolka ee Kenya uu uga sarreeyo kan dalka Uganda, islamarkaana ah wadan aan bad lahayn oo ku tiirsan Kenya gaar ahaan dhanka soo dhoofinta batroolka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada baatroolka ka shaqeysta ay wasaaradda ka iibinayaan batrool qaali ah taasi oo saameysay sicirka badeecadaha daruuriga ah ee ay shacabka isticmalaan.
Waxaa uu ku baaqay in la xoreeyo suuqa batroolka ee dalka oo uu sheegay in uu gacanta ugu jiro dhowr shakhsi oo ganacsato ah.