Kulan amniga looga hadlayo oo Gaalkacyo ka furmay

0
525

Duqa degmada Gaalkacyo ee puntland Eng Maxamuud Cabdinur Aaden ayaa Maanta kulan la qaatay Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada, wxaana kulankaas looga hadlay arrimo dhowr ah oo amaanku ugu hoireeyo.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaay iskula soo qaadeen wada shaqayn ka dhexaysa Ciidamada, Maamulka degmada iyo Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxay uga hadleen isku xirka bulshada, booliska iyo maamulka degmada, Wada shaqaynta booliska iyo gudoomiyaasha xaafadaha Gaalkacyo & furista wadooyinka qaar ee magalada dhexdeeda.
Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland maamusho ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay falal amni darro oo uu kamid ahaa qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur.
Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa laga sameeyay Ciidamo iskudhaf ah oo laga kala keenay Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Magaaladaasi.
Dhanka Kale Golaha Wakiillada Puntland oo Maanta Kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
Kulanku intiii uu socday waxaa goobta lagu dhaariyay 8 Xildhibaan oo cusub kuwaasoo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannadii oo 8 ayaguna ahaa.
Xildhibaannada Cusub ee Maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Golaha Wakiilada puntland ee 8 -da ah ayaa waxaay kala yihiin.

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
  2. Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
  3. Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
  4. Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
  5. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
  6. Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
  7. Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
  8. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood
    Sideedii mudane ee horay Xasaanada iyo xubinimada Baarlamaanka Puntland looga xayuubiyay ayaa kasoo horjeestay, iyagoo ku tilmaamay sharci darro looga hortayay mooshin ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here