Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa walaac ka muujiyay tirada yar ee dadka ilaa iyo hadda u soo baxay barnaamijka codbixiyeyaasha cusub lagu diiwaangalinayo ee guud ahaan wadanka ka socda.
Muddo toddobaad ah oo ay howshan socotay , keliya 202,518 qof ayay guddigu sheegeen inay is diiwaangaliyeen kuwaasoo codbixiyeyaal cusub ah.
Waxaa uu bartilmaameedka qaran ee diiwaangelinta ee toddobaadkiiba ahaa 1.5 milyan oo qof oo u dhiganta boqolkiiba 13.5.
Guddiga doorashooyinka ee IEBC ayaa horay u sheegay in muddo hal bil gudaheed ah uu qorsheynaya inuu diiwaangeliyo ugu yaraan 6 milyan oo codbixiyayaal ah.
Ismaamullada ay iska diiwaangeliyeen dadka tiro ahaan ugu yar ayaa kala ah Samburu, Elgeyo Marakwet, Wajeer, galbeedka Pokot, Mandera, Nandi, Baringo, Narok, Turkana iyo Tana River.
IEBC ayaa tiroooyinka isdiiwaangalinaya ee codbixiyeyaasha ee hooseysa gaar ahaan ismaamullada Lamu, Baringo iyo Laikipia u aanaysay amni darro deegaanadaasi ka jirta, u dhawaanshaha Lamu ee xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo in dadka aynan jecleyn is diiwaangelinta, la’aanta kaararka qaran ee aqoonsiga iyo dhaqanka ah in dadku ay sugaan daqiiqadaha ugu dambeeya.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu u adeegay 5,206 qof oo codsaday in laga beddelo goobihii codbixinta ee ay horay is kaga diiwaangeliyeen.
4-tii bishan ayay ahayd markii IEBC ay daahfurtay diiwaangelin guud oo ku eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Sidoo kale 4,350 oo ah agabka diiwaangelinta ee BVR ayaa la geeyay deegaanada hoose ee ismaamullada.
Home Wararka Kenya Guddiga IEBC oo walaac ka muujiyay tirada codbixiyayaasha is diiwaangelinaya oo hooseysa