Wilson Sossion oo ah xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku soo galay horayna u hoggaamin jiray ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa wacad ku maray inuu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ku taageeri doono tartanka madaxweynenimo ee sanadka dambe.
Waxaa uu sheegay inuu si buuxda u taageeri doono qaabka dhaqaale ee uu Ruto xusay inay tahay xalka kaliya ee caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira.
Xoghayihii guud ee hore ee KNUT ayaa tilmaamay in qorshaha dhaqaale ee madaxweyne ku xigeenka dalka uu wax weyn ka beddeli doono nolosha shaqaalaha Kenyaanka ah.
Sossion ayaa hoosta ka xarriiqay in loolanka siyaasadeed ee doorashada sanadka 2022-ka uu yahay mid ku saleysan kacdoon dhaqaale.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan waxaa jiray warar sheegaya in Sosion uu ku biiri doono xisbiga UDA maadaama uu u hanqal taagayo jagada senatarnimo ee ismaamulka Bomet hasa ahaatee waxaa uu beeniyay wararkaasi isagoo sheegay inuu daacad u yahay Mr. Raila Odinga maadaama uu baarlamaanka ku galay magacaabidda xisbiga ODM.
Toddobaadyo ka dib waxay u muuqataa inuu xildhibaanka la soo magacaabay isaga wareegay ODM oo uu ku biiraya UDA ka dib markii uu shaaciyay inuu la kulmay odayaal deegaankiisa ka soo jeeda ayna kula taliyeen inuu u gudbo dhanka UDA.
Shalay ayuu si rasmi ah ku shaaciyay ka mid noqoshada xisbiga UDA.
Wilson Sossion ayaa 25-kii bishii lixaad ee sanadkan iska casilay xilkii xoghayaha guud ee ururka macallimiinta ee KNUT si uu diiradda u saaro waajibaadkiisa dhanka xeer dejinta.