DHAGEYSO:Meydkii saddexaad ee dhallinyaro ku dhacay badda xeebta oo gelinkii dambe ee shalay la soo helay

0
286

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Coast Guard ayaa waxay 48 saacadood ka dib shalay galab ku guulaysteen in ay helaan meydka nin dhallinyaro ah oo gelinkii dambe ee Sabtida isaga iyo labo nin oo kale ay qaadday badweynta xeebta ismaamulka Kilifi .
Qofka meydkiisa laga helay deegaanka Takaungu oo ka tirsan ismaamulka Kilifi ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiqadar Yunis Cabdi oo 22 sano jir ahaa.
Qaar ka mid ah ehelka iyo qaraabada marxuunkaasi oo warbaahinta Star kula hadlay magaalada Mombasa ka dib markii halkaasi lagu aasay ayaa yiri