Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada New York ee wadanka Mareykanka halkaasi oo uu booqasho laba cisho uu ku sii jooga doono.
Waxaa lagu wadaa inuu madaxweynaha dalka uu guddoomiyo kalfadhiga golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Mr. Kenyatta ayaa martigelin doonaa dood furan oo hal ku dhiggeedu yahay kala duwanaanta, dhismaha dalka iyo baadigoobka nabadda taas oo qeyb ka ah ajandaha dhismaha nabadda.
Dhawaan ayay ahayd markii Kenya la wareegtay madaxtinnimada golaha ammaanka ee qamarada midoobay ee bishaan.
Sida laga soo xigtay Martin Kimani oo ah wakiilka joogtada ah ee Kenya u fadhiya golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee Kenya ka leedahay golaha ammaanka ee UNSC uu yahay in la soo bandhigo fikrado iyo xalal ku aaddan nabadda iyo amniga adduunka ee aagagga geeska Afrika iyo gobolka Saaxil oo ay dhibaato ka jirto.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay golaha kusoo badhigi doonto fikrado iyo aragtiyo ku aadaan dhismaha nabadda ee gobolka, iyo sidii xal loogu heli lahaa xasilooni darradda ka jirto qaybo ka mid ah waddamada qaaradda Afrika.
Mr. Kimani, ayaa intaa ku daray in Kenya ay ku dhiirrigelinayso golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si dhow ula shaqeeyaan qaaradda Afrika.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal laba geesood ah uu la yeesho xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeyso Antonio Guteress si uu goob joog uga ahaado saxiixa heshiiska ganacsiga ee u dhexeeya waaxyo sii gaar loo leeyahay ee ku yaalla Kenya iyo isbahaysiga shirkado Mareykan ah.
Waxaa sidoo kale la filayaa in kulanka madaxweynaha dalka iyo Mr Guteress, ay kaga wada hadlaan dhowr arrimood oo dan u ah Kenya iyo qaramada midoobauy, waxaana ka mid ah ka falcelinta caalamiga ah ee cudurka Covid-19.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo guddoomin doono kalfadhiga golaha ammaanka UNSC ee magaalada Newyork