Simeon Nyachae oo la aasi doono 15-ka bishan

0
795

Waxaa uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan labaad la aaso Simeon Nyachae oo horay wasiir uga soo noqday dalka oo geeriyooday Isniintii.
Munaasabadda aaska ayaa ka dhici doonto xaafadda Nyosia ee ismaamulka Kisii
Mr. Nyachae ayay mas’uuliyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku tilmaameen sarkaal sanado badan si hufan ugu adeegay shacabka.
Simeon Nyachae ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii Jomo Kenyatta, Daniel arap Moi iyo Mwai Kibaki wuxuuna geeriyooday isagoo 88 sano jir ah.