‘Aabihii’ nukliyeerka ee Pakistan oo geeriyooday

0
299

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday Cabdul Qadeer Khan, oo lagu ixtiraamo inuu ahaa aasaasihii barnaamijka nukliyeerka ee dalka Pakistan.
Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan ayaa saaka geeriyooday isagoo oo ay da’aadiisu ahayd 85 sano.
Khan ayaa bishii Siddeedaad ee sanadkan la dhigay isbitaal ka dib markii uu haleelay cudurka Covid19.
Dhowr toddobaad ka hor ayay ahayd markii loo oggolaaday inuu ku laabto gurigiisa, balse dib loogu celiyay isbitaalka ka dib markii xaaladiisu caafimaad ay xumaatay.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Pakistan Sheekh Rashiid Axmad ayaa bartiisa Twitter -ka ku sheegay in kulan degdeg ah la isugu yeeray si loo qaban qaabiyo xafladda aaska ee marxuumka.
Madaxweynaha wadanka Pakistan Arif Alvi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay inuu ka war helay geerida Dr Cabdul Qadeer Khan oo ahaa shaqsi ah u yaqaanay tan iyo sanadkii 1982 -kii.
Sanadkii 2006 Khan waxaa ku dhacay kansarka qanjirka laakiin wuu bogsaday ka dib qalliin lagu sameeyay.
Waxaa lagu xasuusta Khan islamarkaana lagu ammaanay inuu ahaa geesi qaran oo dalkiisa ka dhigay quwadda ugu horreysa ee islaam ah oo yeelatay nukliyeer, laakiin reer galbeedku ayaa u arkayay Khan inuu ahaa nin daalim oo halis ah islamarkaana mas’uul ka ahaa gudbinta teknolojiyadda nukliyeerka ee waddamo ay ku tilmaameen kuwa aan wanaagsanayn.