DHAGEYSO:Xoolo dhaqatada oo loogu baaqay in ay nabad ku wada noolaadaan xilligan aynan roobabku badnayn

0
657

Guddoomiyaha golaha qaran ee suuqgaynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa Dubat Cali Camey ayaa bulshada reer guuraaga ee xoolo dhaqatada ah ku boorriyay in ay si nabad ah ku wada noolaadaan.
Waxaa uu sheegay in cidii deegaan kale u raadsato daaq ama biyo laga doonayo in bulshada halkaas ku nool ay nabadgeliso.
Sidoo kale meelaha loo daaq tago xilligan oo ay roobabku badneyn ayuu shacabka ku nool ka codsaday in ay soo dhaweyaan walaalahooda xoolo dhaqatada ah ee ay abaartu saameysay.

Waxaa uu dhanka kale dowladda dhexe ka codsaday in ay xoolo dhaqatada u gargaarto xilliga abaarta .

Hadalka Dubat Cali Camey ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in bishan labaad qaybo badan oo dalka ka mid ah aynan roobab ka di’i doonin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in Febraayo ay noqon doonto bil cimillada deegaano badan ay tahay mid kulul oo ay qorrax jirto.
Waaxda ayaa beeralayda ku nool meelaha abuurka ku fiican ku boorrisay in ay xaaladdan ka faa’iidaystaan.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Stella Aura, ayaa sheegtay in la filayo in roobab aan badneyn ay ka da’aan bartamaha dalka iyo buuralayda Rift Valley.
Hasa ahaate waxay waaxdu ka digtay inuu hoos u dhac ku imaan karo daaqa xoolaha iyo biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here