Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Qaar ka mid ah madaxda muslimiinta dalka oo doonaya in qaadiga guud...

DHAGEYSO:Qaar ka mid ah madaxda muslimiinta dalka oo doonaya in qaadiga guud uunan ka soo jeedin xeebta oo keliya

Guddoomiyaha golaha qaran ee talasiinta muslimiinta dalka Sheekh Juma Ngao ayaa soo jeediyay in la joogo xilligii qaadiga guud laga soo xulan lahaa ismaamullada iyo gobollada kale ee dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in muslimiinta ka soo jeedo ismaamullada aan Mombasa ahayn hadii ay u qalmaan ay xaq u leeyihiin inay noqdaan qaadiga guud.
Sheekh Ngao ayaa hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay tahay in qofka xilkan qabanaya uu aqoon iyo waayo aragnimada ku habboon u leeyahay sidoo kalena dhameystiray shuruudaha looga baahan yahay iyadoo aan la eegayn ismaamulka ama gobolka uu ka soo jeedo .
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in xilka qaadiga guud ee dalka oo qowmiyadaha kale ee muslimiinta ah ay qabtaan ay xoojinayso midnimada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments