Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa soo saartay lacagaha ay dowladdu ugu talagashay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee dowliga ah ka hor dib ufurka dugsiyada ee sanad dugsiyeedka labaad.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. Georege Magoha ayaa sheegay in dowladda ay soo saartay lacag gaareysa 17.5 bilyan oo shillinka dalka ah.
Dugsiyada hoose dhexe ayaa loo qondeeyay 2.2 bilyan oo shilin halka dugsiyada sare ay helin doonaan 15.5 bilyan oo shillin ka hor inta aan dib loo furin dugsiyada toddobaadka soo socda.
Mr. Magoha ayaa uga digay maamulayaasha dugsiyada inay carruurta guryaha u fiijiyaan lacago fiis aawadeed.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inuu jiro qorsho lagu dhisaya fasallo dhan 20,000.
Tani ayaa qayb ka ah dadaalka ay dowladda dhexe ugu jirto xallinta caqabadaha dhanka kaabayaasha ee dugsiyada.
Home Wararka Kenya Wasaaradda tacliinta oo soo saartay lacagaha dugsiyada ee dib ufurka iskuullada ee...