Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila oo tageeray soo jeedin ka timid madaxweynaha oo ay ka faa’iidaysanayaan...

Raila oo tageeray soo jeedin ka timid madaxweynaha oo ay ka faa’iidaysanayaan wakiillada golaha hoose ee ismaamullada

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku taageeray soo jeedin ahayd in wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada la siiyo amaah ah 7 milyan oo shilin oo u suuragelinaysa in ay baabuur iibsadaan.
Mr. Odinga ayaa sheegay in wakiillada ay kaalin muhiim ah ka qaataan horumarka wadanka.
Waxaa uu xusay in si la mid ah xildhibaannada baarlamaanka ay wakiillada ismaamullada xaq u leeyihiin in amaahdan la siiyo.
Arrimahan ayuu Raila ka hadlay xilli uu wakiillada xisbiga ODM kula kulmay magaalada Nairobi.
Waxaa uu ka codsaday in aynan shardi ka dhigin in amaahdan hadda la siiyo si ay u meel mariyaan hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in wax looga beddelo qodobbada dastuurka dalka u degsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments